WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:-Cabdixakiim Dhoobo-dareed gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland & weerar uu ku qaaday Deni-Video

By Abdi rashid

December 21, 2019

Muqdihso (HM ) Cabdixakiin  Dhooba-dareed  Gudoomiyihii Xilka laga qaaday ee Baarlamaanka Puntland ayaa  la waydiyey Barnaamijka dimuqraadiyada ee Puntland laga dahfuray, Wuxuuna sheegay in uu la yaabay Madaxwayne Siciid Deni oo suaal xildhibaan waydiyey ku sigtay in uu Dildilaaco xanaaq awgiis sida uu u xamili karo Dimuqraadiyad toosh laysku ifinayo isagoo madaxwaynaha ku eedeyey qofkii hadlaba in uu xirayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gudoomiye Dhoobo dareed wuxuu beeniyey in loo magacaabayo safiirka Soomaaliya Erateria isagoo tilmaamay in uusan qaban doonin shaqo aan ahayn sixitaanka Puntland hadii la Waayana la kala tashan doono.

Wuxuu sheegay  in Puntland ka leexatay wadadii wada lahaansha iyo sharciyada balse mar la waydiyey in wada lahaanshu ku xiran yahay xilka qaadistiisa iyo in beeshiisu siyaasad ahaan iyo dhaqan ahaan Puntland ka tirsantahay wuxuu sheegay in siyaasiyiin dantooda eeganaya ay joogaan hadii goboladu tashadaana ay baaqi ku sii ahaan doonaan.

Dhooba-dareed wuxuu sheegay in uu ka mid yahay dadkii madaxwayne deni dhisay isla markaana codkiisa uu ku doortay balse koox yari ka dhaadhicisay in ay iyagu doorteen oo uu aaminay mudadii waraysigu socday wuxuu dhoor jeer dhaliilay koox uu sheegay in Aaran jaan la dhaho uu sheegay in ay dalkii afduubeen mar la waydiyey sida uu u arko xasaanad ka qaadkiisa wuxuu sheegay in uu la yaaban yahay ujeeda laga lahaa.

Wuxuu sheegay in Putland u afduubtahay xadhig isu dhiib sadex xisbi oo hogaanka Putland isku badalayey mar wariyuhu waydiyey in uu sharaxaad ka bixiyo si dadku u fahmaan wuxuu sheegay in dadku garanayaan oo aan waligeedba cidkale Puntland aysan madaxwayne ka noqon.

Wuxuu ka hadlay Xildhibaankii Su’aasha Waydiiyey Madaxwayne Deni ee ay sharciga ku difaaceen, Balse isagu Xilka qaadistiisii u codeeyay “Anigu Xildhibaan Cawil sharci baan ku difaacay oo ilaahay i garansiiyey balse isagu sharci daro ayuu gacanta igu taagay Nin walba kaskiisa ayuu kor tagaaa “.