HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Wararkii ugu danbeeyay ee Xasuuqii ka dhacay Masar iyo Dhimashada oo gaadhay 235 Ruux-Video

Illaa 235 ruux ayaa lagu dilay masaajid ku yaala waqooyiga Gobolka Sinai ee dalka Masar, kaddib markii rag hubeysan ay ku qaadeen weerar isugu jiray qarax iyo rasaas.

Masaajidka Al-Rawda oo ku yaal magaalada Bir Al-Abed oo ku dhow Al Arish ayaa la weeraray salaadii jimcaha ee maanta, waxaana  Ragga weerarka fuliyay ay beegsadeen dadka ku cibaadeysanayay masaajidka, iyagoo adeegsanayay rasaas iyo bambaanooyin.

Waa dhimashadii ugu badnaa ee ka dhacda Gacanka Sinai, tan iyo sanadkii 2013, markii kooxaha Islaamiyiinta ay kordhiyeen weerarada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Masar Abdul Fattah Al-Sisi ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah saraakiishiisa Ammaanka, si ay uga jawaabaan xaalada ku soo korortay dalka.

Masar ayaa dagaal kula jirta Kooxo Islaamiyiin ah oo xiriir la he Ururka Daacish, waxaana horay sheegteen weeraro ka dhacay gacanka Sinai iyo qeybo ka mid ah dalka Masar oo lala beegsaday Ciidamada ammaanka dalkaas.

Exit mobile version