WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Dagaalka ka socda Boosaaso

By xuseen waashitoon

December 22, 2021

Dagaalka maalintii labaad ka socda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Gobolka Bari ayaa sababay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oon waxba galabsan.

Wararka aan ka heleyno Boosaaso ayaa sheegaya in dagaalka saakay mar kale ka qarxay magaaladaasi ku dhinteen dad shacab ah oo ku sugnaa xaafado ka tirsan magaaladaasi, dadkaasi ayaana haleeshay madaafiic iyo rasaasta la is dhaafsanayay.

Guri kuyaalla agagaarka Masaajidka Salmaan Alfaarisi ee Magaalada Boosaaso ayaa saakay waxaa ku dhacay madfac waxaana ku geeriyooday sadex ruux oo isku qoys ahaa oo isugu jiray Oday, Gabar iyo Wiil.

Waxaa sidoo kale madfacaasi ku dhacay xaafada ka tirsan magaalada Boosaaso ku geeriyooday Sheekh Xuseen Mukhtaar Afrax Suudaani oo ahaa wadaad caan ah oo Cashirka Tafsiirka ka Akhrin jiray Masaajiidka Salmaan Alfaarisi.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKAÂ