WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay xasarada siyaasadeed ee Puntland & Dhoobo-dareed oo diiday xil ka qaadista!!.

By Abdi rashid

November 07, 2019

Garoowe (HM) – Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamul gobaleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daereed) ayaa Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga ku hadasha wuxuu u sheegay in aysan ahayn sharci xil ka qaadistiisa isla markaana aan loo marin wadadii saxda ahayd sida uu waxyar kadib xilka qaadistiisa u sheegay Warbaahintan.

“Waxaanu leenahay nidhaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yidhi Mr Dhoobo.

HALKAN KA DAAWO

Baarlamaanka maamulka isku cimaamaday Hooyada Federaalka ee Punland ayaa Khamiista maanta ah waxay cod wadar ogol ah jagada uga xayuubiyeen Cabdixakiim Dhooba Daareed, afhayeenkii Aqalka tan iyo 4-tii July 2019 wakiilka u ahaa xubnaha Baarlamaanka maamulkaas.

Fadhi ay mudaneyaashu ku yeesheen xaruntooda caasimadda Garowe kana soo qeybgaleen 53 mudane waxaa “Haa” oo xil ka qaadis ah cod gacan taag ah ku taageertay 49aad, 4na way ka aamustey.

Xilka ka qaadistan ayaa waxay ka dambeysay markii sharcidejieyaal gaaraya 44 ay Mooshin ka keeneyn Mr Dhooba Daareed.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ayaa sheegay in guddoomiyaha lagu soo eedeeyay dhowr qodob, kuna tuntay qoddob ka mid ah dastuurka Puntland.

Arrimaha ay soo qaateen waxaa ka mid ah sida ay sheegeen in uu yiri guddoomiyaha in “Puntland ay dhisteen oo ay qabsadeen saddex qabiil, arrintaas oo ay shegeen in ay meel ka dhac ku tahay sharciga Puntland”.

Sidoo kale xildhibaannada mooshinka gudbiyay waxay ku doodayeen in “gudoomiyaha uu xarunta Barlamanaka geeyay “Maleeshiyaad hubeysan”.

Balse Cabdixakiin ayaa beeniyay eedahaas oo dhan wuxuuna yiri: “Ma jirto xeer hoosaad aan jebiyay. Golaheyga si wanaagsan ayuu ku socday, tii shalay u dambeysay si fiican bay u qabsoontay. Gudoonkeygaan la tashanayay oo hareeraha iga fadhiyay, golahaan la tashanayay. Wax la wada qaatay bay ahaayeen”.

“Waxaa nakala saaraya; in uu xaq yahay ama in uu xaraan yahay, waxa iigu qoran dastuurka iyo xeer hoosaadka, qaabka aan xilka ku waayi karo”, ayuu hadalka sii raaciyay.

“Anigu sifo sharci ah baan ku imid, sifo sharci ahna waan ku tagayaa”, ayuu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Wuxuu ku andacoonayaa in xildhibaannada “culeys la saaray, lacagna loo qeybiyay”, inkastoo taasi aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.

Xarunta Barlamaanka ee Puntalnd waxaa xalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ilaalada xarunta iyo ciidamo ka tirsan booliska Puntland, waxaana dagaalkaas ku dhintay saddex qof oo mid kamid ah uu yahay qof rayid halka shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Arintaan ayaa ka dhalatay kadib markii taliyaha ciidanka booliska ee Puntland uu u tegay ciidan ilaalo ka ahaa xarunta baarlamanka, kuwaas oo dhawaan gudoonka baarlamanka uu ku soo xoojiyay ciidammado kale oo aan ahayn kuwii horay u joogay.

Gacan ka hadalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay, hadal dhexmaray labada dhinac, waxaana xigtay rasaas ay is-weydaarsadeen labada dhinac.

Taliyaha booliska oo la hadlay warbaahinta gudaha ee Puntland ayaa guddoomiyaha barlamaanka ku eedeeyay in uu keensaday ciidamo maleeshiyaad ah, ayna rasaas ku fureen ciidan boolis ah.

Maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa maalmahanba laga hadal hayay mooshin la doonayo in xilka lagga qaado guddoomiyaha baarlamanka.

Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maalmo kahor diiday in xasaanadda laga qaado xildhibaan Cawil Xasan Daad kadib markii uu su’aalo adag weydiiyay madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, waxaana xildhibnaada ay si aqlabiyad ah ku meelmariyeen in la laalo dacwaddaasi. Sua,aalaha uu Deni Xildhibaankani ku garaacay ayaa sababay in Deni isaga baxo fadhiga taasoo sababtay Khilaaf dhiig ku daatay isla markaana maanta xilka looga qaaday Dhoobo-dareed.

Dadka Baraha Bulshada wararka ku faafiya ayaa soo qaadanayey Sawirka Xildhibaan Cawil oo ka codaynaya Mr Dhoobo si xilka looga xayuubiyo balse HM sawirkaas si madax banaan umaysan xaqiiqsan inuu yahay maanta.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntland Abuukaate Cabdi Casiis ayaa Magacaabey Guddi ka kooban 7 Xubnood,kuwaas oo lagu amray in mudo kooban ay ku qabtaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa uu fadhigii Maanta ee Baarlamaanka ka sheegay in doorashada Gudodomiyaha Baarlmaanka ay dhici doonto Khamiista oo socota oo taariikhdu ku began tahay 14- November Sanadka 2019.

Horufadhi News