Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay Diyaaradii burburtay ee Ethiopian Airlines iyo Dadkii saarnaa oo wada dhintay-Video

Muqdisho (HM)-Diyaarad rakaab ah oo ay lahayd shirkada diyaaradaha ee Ethiopia Airlines ayaa la sheegay in dadka ku dhintey ay ahaayeen kuwo ka soo kala jeeda 33 dal.

Mid kamid ah dadka la rumeysan yahay inay ku dhinteen diyaaradan ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdishakuur Shaatax waxana uu ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa sheegay in 32 ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen Kenyan halka 17 kalana ay ka soo jeedaan dalka Ethiopian.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Diyaarada burburtay ayaa la sheegay inay ahayd mid cusub oo dhowaan ay shirkada Ethiopian Airlines soo iibsatay.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay burburka diyaarada Boeing 737-8 MAX,hase yeeshee waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu helo sanduuqa madow ee duuba codka.

Diyaarada ayaa la rumeysan yahay inay ku burburtay Bishoftu ama Debre Zeitoo 50km Koofur ka xigta caasimada Ethiopia.

Shirkada Ethiopian Airlines oo la rumeysan yahay inay tahay shirkadda ugu weyn ee diyaaradaha ee qaarada Afrika ayaa markii ugu dambeysay ay shil ku timaado ahayd sanadkii 2010kii.

Exit mobile version