WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Ciidanka Puntland iyo Al-shabaab

By xuseen waashitoon

March 27, 2022

Inta la xaqiijiyay saddex askari iyo hal sarkaal oo ka tirsan Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhintay tiro kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda buuraleyda  Af-urur ee Gobolka Bari.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa aroortii hore ee saaka weerar hoobiyaal ku bilowday ku qaaday saldhiga Ciidamada Puntland ee degaanka Af-urur halkaas oo dagaal ku dhexmaray labada dhinac.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalku weli ka socdo dhulka buuraleyda ah ee  ku dhow degaanka Af-urur.

Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in ay dagaalka ku dileen 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA