WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wafdi ka socda Dowladda oo kusii jeeda Magaalo Mas’uul lagu dilay

By Xuseen Post

June 23, 2021

Waxaa Maanta oo Arbaco ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku wajahan wafdi ka socda Xukuumadda xilgaarsiinta oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda.

Ujeedka wafdigaan Wasiir Saciid Xuseen Ciid oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro, Xildhibaano, iyo Safiiro ayaa waxaa uu yahay sidii Baladweyne uga dhagax dhigi lahaayeen mashaariicda wax ka qabshada Fatahaadaha Webiga Shabeelle.

Sidoo kale Wafdiga ayaa la kulmi doona Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Guddiga Fatahaadaha Hirshabeelle, iyagoona kala hadli doona dardar-gelinta mashaariicda laga fulin doono Baladweyne ee wax looga qabanayo dhibaatada Fatahaadaha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beerah iyo Waraabka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare iyo xubno kale oo horudhac ha wafdiga Wasiir Saciid Xuseen Ciid ayaa horey u tegay Baladweyne.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWTO MUUQAALKA