Guddiga Gurmadka abaaraha ee ay magacaawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Gobolka Gado si ay qiimeyn ugu sameeyaan xalaad abaar ee ka taagan Gobolkaas ee Koonfurta dalka.
Guddiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo masuuliyiin kale, waxaana siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garbahaarey.
Gurmadka Abaaraha ayaa Deeq lacageed ku wareejiyay Maamulka Magaalada Garbahaarey, si shacabka abaarta darran saameysay loo gaarsiiyo, isla markaana sidoo kale Deeqa gaarsiin doona deegaano kale.