Ceerigaabo (HM ) Mudooyinkii dambeeyay waxaa ka socday magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag Waan-waan ay Odayaasha dhaqanku ka dhex wadaan Jabhada Kornayl Caarre iyo Xukuumadda Somaliland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Mid kamid ah Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in Bulshada Gobolka sanaag ay dhamaantood Qayb ka noqdaan sidii xal rasmiya loogu heli lahaa Colaada deegaanka ceel-Afwayn ee Wakhtiga dheer u dhaxaysa laba beelood oo halkaasi wada dega.
Wuxuu sidoo kale Suldaanku ka Warbixiyey Wahadalkii Jabhada Kornayl Caarre iyo Somaliland.
“Meel fiican ayuu marayaa Wadahadalkii, Dhinaca Jabhadda Nabadda waanu kasoo Xidhnay, Balse Way dhamaan lahayd ee Xajka ayaa inaga soo dhex galay, oo Waxaynu sugaynaa Muuse Biixi, waa in la taageero wax wanaagsan”.
Suldaanka ayaa Qurbajoogta kasoo jeeda deegaanka ugu baaqay inay ka waantoobaan Colaada ay Hurinayaan.