Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Villa Somalia oo Warbixin u gudbisay Guddiga la-dagaalanka Musuqa

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa uga warbixiyey hannaanka maamul iyo maaliyadeed ee Madaxtooyada.

Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay dadaalladii ay ku bixiyeen dib u habeynta nidaamka shaqaaleysiinta Madaxtooyada, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, maamul wanaagga iyo hufnaanta maaliyadeed ee Madaxtooyada Dalka.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay in Madaxtooyada Qaranku ay hormuud uga noqoto hay’adah kale ee Dowladda hufnaanta maamul iyo ka fogaanshaha musuq-maasuqa maaliyadeed.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Dhankooda, Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa dul istaagay dhibaatada uu leeyahay musuq-maasuqa iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta, iyagoo la wadaagay Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada wacyigelin ku saabsan u hoggaansanaanta sharciga iyo hirgelintiisa.

Exit mobile version