WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Villa Somalia oo beenisay in Ciidankii loo qaaday Eritrea ka qeyb galeen Dagaalkii Itoobiya

By xuseen waashitoon

July 19, 2022

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay warar horey warbaahinta qaar u baahiyeen oo sheegayay in ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ay ka qeyb galeen dagaal ka dhacay Gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay jiritaanka in ciidamo Soomaaliyeed ka qeyb galeen dagaalka ka dhacay Gobolka Tigrey.

“ Waa been in ciidamada Soomaaliya ee Eriteriya tababarka loogu qaaday ay ka qayb galeen dagaaladii Gobolka Tigray wayna badqabaan waxayna ku soo laabanayaan dalkooda” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale warar soo baxayay oo sheegayay in ciidamada Eritrea ku xayiran loo heesto lacag, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid waxbo kama jiraan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA KAAR