Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Ururada Bulshada oo Afar Qodob kasoo saaray Khilaafka Farmaajo & Rooble

Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa War cusub kasoo saaray khilaafka xoogan ee u dhexeeya MadaxweynahaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

War-saxaafadeed kasoo baxay Ururada Bulshada Rayidka ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin is afgarad la’aanta ka dhex jirta Rooble iyo Farmaajo ee la xiriirta khilaafka awoodaha sharciga dowladda.

Waxaa ay sheegeen Khilaafka Madaxda inuu  niyad-jab ku riday dadka Soomaaliyeed ee filaayay inay dalka ka qabsooman doorashooyin si nabad ah ku dhaca oo dalka u horseeda Isbedel wanaagsan oo horumar leh.

Ururada Bulshada ayaa tilmaamay inay aaminsan yihiin khilaafka siyaasadeed ee Rooble iyo Farmaajo uu saameyn ku yeelan karo hay’addaha dowladda, iyagoona Madaxda ka dalbaday inay muujiyaan mas’uuliyad dheeraad ah oo lagu xakameeyo khilaafka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version