WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Taliska Booliska oo ka hadlay Afduub la sheegay in loo geystay Gabdho

By xuseen waashitoon

July 23, 2022

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdo ka dhacday degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, taas oo ku saabsan Afduub jileen ah oo ay sameeyeen laba gabdhood walaalo ah.

Afhayeen Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa marka hore beeniyey in la afduubtay gabdhahaasi oo lagu kala magacaabo Asmo iyo Shaadiyo.

“Afduubka la sheegay ee warbaahinta laga baahiyey ma’aha afduub sax oo jira waa afduub ay gabdhaha abaabuleen iyaguna ay waalidiintooda u sheegeen in la afduubtay,” ayuu yiri.

Sababta ay sidaas u sameeyeen ayuu afhayeenku ku sheegay cabsi ka qabeen Aabahood oo Macalin Dugsi ah, kadib markii ay kasoo daaheen gurigooda, xilli habeen ah.

“Gabdhaha oo la wareystay xaqiiqdana la ogaaday ayna cadeeyeen inay ka baqayeen Aabahooda, maadaama ay xilli habeen ah soo habsaameen,” ayuu sii raaciyey.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA