WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Taliska Booliska oo amar culus kusoo rogay gaadiileyda Mooto Bajaajta Muqdisho

By xuseen waashitoon

July 11, 2022

Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ay soo gaba-gabeeyeen wajigii 1aad ee howl-galladii dhawaanahaan ay ka wadeen magaalada Muqdish, kuwaasi oo lagula dagaalamayay kooxa dhibaateeya dadka shacabka ah.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo goordhawyed Shir ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay soo af-jareen wajiga koobaad ee howgaladii ay wadeen, waxaana sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen kooxo Burcad ah oo dadka dhibaateyn jiray.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Booliska Soomaaliya ay gacantta kusoo dhigeen maandooriye kala duwan iyo dadkii ka ganacsanayay, kuwaasi oo uu sheegay in ay haatan gacanta ku hayaan.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa digiin Culus u diray Mooto Bajaajta iyo dadka Milkiilayaasha ah ee Mootooyinkooda u dhiiba dhalinyarada sida kirada ah ugu wada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA