HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Taariikh Nololeedkii Alle ha unaxariistee Hal-abuur Jaamac Maxamuud Maxamed Ciise (Carwo Qudhaab) Horufadh Media.Com

Taariikhda Alle ha unaxariistee Hal-abuur Jaamac Maxamuud Maxamed Ciise oo lagu garan ogaa (Carwo Qudhaab) iyo wixii aan ka aqaanay.

Alle ha unaxariistee Hal-abuur Jaamac Maxamuud Maxamed Ciise Good oo ku caan baxay (Carwo Qudhaab ama Carwaddii Dalka iyo Dadka) wuxuu ku dhashay Sanadkii 1983-dii Deegaanka Caana-xadhigle oo u dhaw Degmadda Karin-baylweyn oo koonfur beri kaga beegan Magaalada xudunta u ah Gobalka Sool ee Laascaanood,wuxuu kusoo barbaaray Degmada Kalabaydh ee Gobalka Sool,halkaas oo uu Qur,aanka si wanaagsan ugu bartay,markii dambena waxaa uu usoo wareegay Magalada Laascaanood,si uu uga sii wato geedigiisa waxbarasho iyo Hal-abuurnnimadda ganacsi oo uu ku can baxay.

Alle ha unaxariistee Jaamac waxaa uu ahaa aabbe ifka waxaa uu uga tagey 8 Carruur ah iyo Laba Xaas,Carruurtu waxay kala ahaayeen 7 Wiil iyo Gabadh, waxaana ugu yar wiil todobaadkii ugu horeeyay ku jira,waxaana ugu weyn Maxamed oo 12 sano jir ah,Hooyaddii waa Maryama Saalax Raagge,Jaamac waxaa uu la dhashay 24 Qof 12 Gabdhood iyo 12 Wiil oo ilma Maxamuud Maxamed Ciise Good ah.

Alle ha unaxariistee Jaamac wuxuu sanadihii 1991-dii ilaa 2001-dii Hal-abuuro ganacsi oo kala du duwan ka soo sameeyay Gobalka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso iyo Magaalooyinka ku xeeran,ilaa uu markii dambe usoo wareegay Magaalada Laascaanood oo uu ilaa hadda xarun u ahayd.

Carwo Qudhaab:-Dabayaaqaddii sanadkii 2014-kii ayuu Jaamac aas aasay Carwadda uu ku can baxay ee Carwo Qudhaab,isaga oo ka bilaabay Kiillo iyo Badh Midhaha Gobka ah oo markaas qiimo ahaan joogtay 3o kun oo Lacagta Shilinka Soomaaliga ah una dhiganta 1.5$ Lacagta qalaad ah.aas aaskii Carwo Qudhaab kadib waxaa Jamac uu bilaabay in uu tuurtiisa ku qaado Midhaha oo Xidh-xidh ah ilaa uu markii dambe gaadhsiiyey in uu keeno qaybaha kala duwan ee Midhaha Waddaniga ah ee Dalka sida,Gobka,Midhaha Toonka,Gomeshka,Xabagta Cadaadda,Midhaha Ciidka,Dhafaruurta Iwm.Carwadduna waxaa ay noqotay mid Gobalka si wanaagsan looga yaqaano oo dabooshay inta badan baahidii qudhaab ee Deegaanka.

Carwaddu way sii faaftay marba mark aka dambeysana waxaa sii kordhayey Macaamiisha ku xidhan ilaa markii dambe ay gaadhay in ay dabalabaad xowli ah ka hesho Gobaladda ku xeeran Gobalka Sool sida Hargeysa,Burco iyo Garoowe,marmarka qaar ayaaba dibadda laga soo dalban jiray oo loo dhoofin jiray,si loo daboollo guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed baahidooda Qudhaab isla markaana loo soo xasuusiyo dhaqanka iyo dheefta badan ee dhex ceegaagta dhulkeena Hooyo.

Carwaddu waxaa ay lahayd laamo kala duwan oo qaarba meel qaabilsan yahay haddana isku hal Qof Maamulayo oo Gacanta ku hayo laamaha la yaabka lahaa ee Carwadda waxaa kamid ahaa,Laanta Socdaalka iyo Suuq geynta,Xarunta guud ee Keydka diyaarinta iyo Kafadeynta.(La safar la socdaal sahay dheerna u qaado) waa hal ku dhigii laanta socdaalka iyo Suuq geynta !!.

Dabeecadda iyo Dhaqankii:-Alle ha unaxariistee Hal-abuur Jaamac Maxamuud waxaa uu ahaa addoon ku sifoobay dabeecad wanaag,wuxuu ahaa ruux aanan adduunka isaga ruux la mid ah ku arag,farxaan ah oo furfuran oo kaftan badan si kasta oo aad u dhiban tahay ama xaalad kuu haysatana waxaa qasab ahayd hadaad Jaamac kasoo agdhawaato inaad dareemayso farxad Himillo iyo mahi sare aadna isbadelayso oo ay kugu adkaanayso inaad ka sii dhaqaaqdo.dhaqan ahaan wuxuu ahaa Qof ilaahay dushiisa ka muujiyey wax kasta oo uu yahay addoon wanaagsan iyo sifo kasta oo lagu tilmaami karo Qof dhaqan wanaagsan,wuxuu ahaa ruux dhaqanka Gobannimadda iyo deeqsinnimadda ku can baxay oo dhowrsoon laga amaan hello oo umadda uu la nool yahay waxtar mahee an laga eedo sheegan.masoo koobi karo wuxuu ahaa Mucjiso la ina tusay,“Jaamac wuxuu ahaa Qofaf kuwaas oo dhamaantood qaali ah,isla markaana eebbe ku dhameeyay sifihii addoon kasta oo wanaagsan,, !!.

Suugaantii::-Alle ha unaxariistee Jaamac waxaa uu ahaa Hal-abuur weyn,waxaana uu lahaa hibo curineed oo aad u weyn,Jaamac waxaa uu ahaa Suugaan yahan iyo Hal-abuur aad ugu wanaagsan tixaha Golle ka fuulka loo yaqaan,waxaana uu ahaa Hal-abuur Suugaantiisa inta badan ku hogga Tusaalleeya arrimaha Waddaniyadda,dhaqanka,Dhulka,Nabadda iyo Tixo uu ganacsigiisa u sameeyay oo uu Bulshada ku barayo wanaaga iyo in la dheefsado barwaaqadda dhulka Hooyo waxaana uu Tusaalle usoo qaadan jiray Carwadiisa iyo Muhiimadda Midhaha isaga oo garab rarata ah uu ku kalsoon yahay,Qofka Jaamac yaqaanay waxaa uu markiiba Xasuusanayaa marka Suugaantiisa lasoo hadal qaado Tixdii dhoof ee uu kaga hadlayey sida uu u imaansaday dhulkiisa una diiday in uu ka baxo iyo Tixdii Tahriibka uu ka hadlayey ee uu dhalinyaradda Soomaaliyeed ka wacyi galinayey aafadda tahriibka taas badelkeedana u ku bogaadinayey in ay aaminaan dhulkooda Hooyo.

Tixda dhoof:-Ninka Dibad u dhaanteynaya baan dheeli tirayaaye

-oo Dad dhoof ku wada taamaya baan baaq u dhiggayaaye

-Dhibaa taalla dibaddaha Ninkii Dhereg u haystowe

-Ruux Dhulkiisa joogaa maaha dheel-dheelle

-Dhirtiibaa ilaah iiga dhigay dheeman Lacageedde.

-Markii aan dhaqaaqaba Midhaan soo dhufanayaaye

-Maxaan dibad u dhoofaa tanaa dheregi taalaaye.

Barashadayadii aniga iyo Jaamac:-Alle u unaxariistee Marxuumka waxaan isbaranay Sanadkii 2016-kii xiligaas oo aan iskugu nimid Xaflad ka dhacaysay Hotel Xamdi ee Magaalada Laascaanood,wixii intaas ka dambeeyayna waxaan ahayn Saaxiibo aad iskugu dhow oo si joogta ah u kala war qaataa,waxaana ku xasuustaa Jamaac in uu ahaa Hal-door weyn iyo Hal-abuure ganacsi oo anan saadaalin Karin gadaashii in aan arki doono Saaxiib sidaas u karti farxad badnaa,u aamusnaa oo u imaan qabay,u cibaado badnaa oo u qiimo badnaa “Waxaa uu ahaa Saaxiib horey u socda,,.

Hal-abuur Jaamac Maxaa lagu Xasuustaa?

Alle ha unaxariistee Hal-abuur Jaamac Maxamuud Maxamed Waxaa lagu xasuustaa dadaalkii uu isaga kaligii is xilqaamay uu nabadda ugu raadinayey Colaadii ka aloosneyd Koonfurta Gobalka Sool,waxaa lagu xasuusan doonaa Muxadirooyinkii uu ka gali jiray Masjid Al-Hudda ee uu dhamaantood uga hadlayey qiimaha ay leedahay nabadgalyadda,Xasiloonida iyo walaalnnimadda qiimaheeda,baaqyadii uu u diray walalaha dirirtu ka dhaxaysay,Suugaantii uu ku cabiri jiray macaanka nabadda,iyo in Dadkaas la kala dhex galo oo nabadooda si aan hargasho laheyn looga shaqeeyo.

Alle ha unaxariiste Jaamac waxaa lagu xasuustaa Dadaalkii aan kala go,a laheyn ee uu ka qaatay Dadkii Miinadu kula kacday Duleedka Deegaanka Adhi-cadeye waxaa lagu xasuustaa sidii uusan haben iyo maalin u nasan Dadkaas isaga oo wixii uu ka geysan karayey ka gaysanaya,waxaa lagu xasuustaa baaqyadii iyo qayla dhalaantii uu warbaahinta u marinayey Bulshada Caalamka isaga oo dalbanayey in Dadkan walalahood ah ee dhibaatadu ku habsatay lasoo gargaaro,taasna waxaa ay baal weyn oo taariikhda lama ilaabanka ah gali doontaa dadaalkii Samafalnnimo ee uu jaamac ku sifoobay.

Aniga:-Waxaan ku xasuustaa Jaamac in uu ahaa ilaahay hortiisana aan ka qirayaa in uu ahaa adoon khayr badan,adoon Cibaado badan,adoon gargaar badan,walaal in uu ahaa umadda oo dhan wadaagto oo farxad badan,Gacan furan oo deeqsi ah ,oo dabeecad badan,waxaan qirayaa in uu ahaa adduunka intaan Qof arkayey Qofkii ugu furfurnaanta badnaa ee ugu farxadda badnaa.

Alle u naxariistee Jaamac 22-kii Bishan ayuu shil Gaadhi si lama filaan ah ugu geeriyooday wadadda u dhaxaysa Garoowe iyo Laascaanood isaga oo howlo shaqo ugu sii jeeda Magaalada Garoowe.

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun..

Faafi:-Gaadhsii walalahii jeclaa dhaamaanteen wuu inaga baxaye..

Waxaa Qoray: Cabdirashiid Xasan Cadde,Muqdisho,Somalia.

Halkan ka daawo Warbixin hore

Exit mobile version