WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sucuudiga oo Liiska argagixisadda ku daray wadaad Maamulka Puntland aad ula dagaalamay,Waa kuma-Video

By Abdi rashid

November 24, 2017

Dowladda Boqortooyada Sucuudiga iyo isbaheysiga ka horjeeda dalka Qatar ayaa soo saaray liis cusub oo argagixisada lagu daray ururro Islaami iyo shaqsiyaad xiriir la leh dowlada Qatar.

Warkan oo ay baahisay Wakaalada Wararka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in argagixiso loo aqoonsaday 11 ruux oo midkood uu yahay Sheekh Maxamed Siciid (Atam) oo ahaa hogaamiyihii Al-Shabaab ee deegaanada Puntland, basle dowladda Soomaaliya isu dhiibay, kadibna Qatar ay megangalyo siisay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sheekh Atam ayaa dowladii Xasan Sheekh isu dhiibay sanadkii 2014-kii, waxaana muddo kadib heshiis aan la shaacin loogu duuliyay dalka Qatar halkaas oo uu ka helay magangalyo, laakiin arrintan cusub ee Sacuudiga iyo isbaheysigiisa qaadeen ayaa culeys kale sii saareysa dowladda Qatar.

Liiska argagixisada ka kooban 11 qof ee Sacuudiga soo saaray waxaa kaloo ka mida agaasimaha Hay’adda Bisha Cas ee Qatar Khaled Nazem Diab, Ninka asalkiisu yahay Baxreyn ee Hassan Ali Mohammed Juma Sultan, sii-haya hoggaamiyaha kooxda Akhwaanul Muslimiin Mahmoud Ezzat.

Waxaa kaloo ka mida hoggaamiyaha Akhwaanul muslimiin ee Calaa Ali Al Samahi, iyo rag mucaarad ku ah dowladda Masar sida Qadri Mohamed Fahmy Mahmoud Sheikh.