WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea oo Hargeysa soo gaadhay-Video

By Abdi rashid

March 18, 2019

Hargeisa  (HM ) Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici ayaa wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Cigaal.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wafdiga wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa loo galbiyay Madaxtooyada, halkaasoo wada hadalo kula yeelan doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka arrimaha dibadda Eriteriya Cismaan Saalax Maxamed, ayaa sheegay in madaxeynaha Eriteriya uu soo diray si ay u ogaadaan waxaa ka socda Somaliland,  iyadoo  shir Jaraa’id oo aan Su’aalo la waydiin ku qabtay madaxtooyada Somaliland.

Tan iyo markii uu heshiis dhex maray dalalka Itoobiya iyo Eritrea, oo u dhaxeeyay colaado socday muddo labaatan sano ah ayaa waxaa isa soo taraya dhaq dhaqaaqyada Eritrea ka waday Gobolka, iyadoo si tartiib tartiib uga soo baxeysay go’doonkii ay muddo labaatan sano ku jirtay