WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Wararkii ugu dambeeyay ee Hargeysa & Ciidamo xooggan oo ku sugan xarunta Xisbiga Waddani-Video+Warbixin

By Abdi rashid

November 18, 2019

Hargeysa (HM)-Wararka aan saaka ka heleyno Magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaliland waxaa ay sheegayaan in xarunta xisbiga Wadani ay isugu soo baxeen dad shacab ah oo fulinaya baaqii Cirro ee ahaa in isku soo bax shacabku sameeyo subaxda isniinta ah.

Wararka ayaa sheegaya in  Ciro dadkii halkaas isugu soo baxay u sheegay in nabadgelyada ay ilaaliyaan, “sharci ku tumashadana aanay aqbalin”.

Hogaamiyaha Mucaaradk ku ah Xukuumadda Biixi ayaa mudo kooban halkaas kula hadlay taageerayaahsa xisbigiisa Waddani, waxaana sidoo kale halkaas ku sugnaa ciidamo Boolis ah oo ku hubaysan Baabuurta Mileteriga.

Arrintan ayaa timid kadib markii hogaamiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ciro uu shalay ku dhawaaqay in tagaeerayaasha xisbiga ay isugu soo baxaan xarunta xisbiga uu ku leeyahay Magaalada xarunta ah ee Hargeisa, arrintaas oo ay ka digeen laamaha ammaanka.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro ayaa ujeedada isu soo baxa ku sheegay in ay doonayaan in uu soo bandhigo farriin muhiim ah oo uu sheegay in “qaranka lagu badbaadinayo” waa sida uu hadalka u dhigay hoggaamiyahan looga adkaaday doorashadii 2017.

“Waxaa inoo cadaatay in Muuse (Madaxweynaha Somaliland) uu hayo muran iyo garnaqsi aan dhamaad lahayn, haddii kaalintooda ay gabeen goleyaasha Qaranka oo hawshan lahaa, maanta talada waxay u taalaa waxgaradka ummadaa, sida odayaasha dhaqanka, culliimaa’udiinka, ururada bulshada, abwaanada, sharciyaqaanada, saxaafadda iyo aqoonyahanada in ay isu tagaan, si ay u badbaadiyaan qaranimada, waana in la isugu yimaado madal Qaran”, ayuu Hargeisa ka yidhi Cirro oo hadlayey 17kii bisha.

Hasayeeshee hadalkaas waxaa ku gacan seedhay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Soomaliland oo sheegay in aysan jiri doonin wax bannaanbax oo lagu qaban karo Magaalada Hargeisa arrintas oo xiisadda cirka kusii shareertay.

HALKAN KA DAAWO BANAANBAX

Sacaado yar uun  kadib hadalka Taliyaha, laamaha ammaanka ee Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay afhayeenka xisbiga Wadani, Barkhad Jaamac iyo xoghayaha xisbiga, Khadar Xusseen Cabdi, xiisadduna waxay noqotay mid gaadha in laga cabsado in dagaal gacanta la iskula tago waxaana cabsi weyn laga dareemay magaalad Caasimadda u ah maamulka Hargeysa.

Xisbiga talada Maamulkaasi haya ee Kulmiye iyo mucaaradka ayaa maalmihii dambe Hawadda isu marinayay hadalo kulkul, oo ku saabsan gudidga doorashooyinka oo uu dhawaan ansixiyay barlamaanka Somaliland, inkastoo xubnahasas uu ka maqnaa xubinkii xisbiga Wadani uu keensan lahaa.

Xisbiga Wadan ayaa sheegay in labada xubnood ee uu soo xulay Madaxweynaha ay yihiin sharci darro, oo mid uusan waafaqasaneyn sharciga, midna uu baalmarsan yahay heshiiskii ay gaareen.

Mid kamid ah xubnaha ayay shegeen in uu horay uga tirsanaa guddigii hore ee doorashada oo ay shegeen in aysan wax kalsooni ah ku qabin, halka qofka kalena uu yahay qof ka tirsan xisbiga Kulmiye, oo uusan qeyb ka noqon karin guddiga doorashooyinka, arrintaasoo gaadhay in Saaka ay ku waabariisato Hargeysa jidadka oo dhagax lagu jaray iyo khalkhal siyaasadeed.