WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo Xabsiga dhigtay dhalinyaro Laascaanood ka tageertay hadalkii Dhakool-Video

By Abdi rashid

May 11, 2019

Laascaanod  ( HM)  Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan  magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool  ayaa siwayn uga soo horjeestay Xadhiga Hargeisa  loogu gaystay  Xildhibaan Dhakool, Waxayana sidoo kale kasoo Horjeesteen 18-May oo ay sheegeen inaan laga xusi doonin laascaanood, Islamarkaana aan Somaliland loo dhamayn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gudoomiyihii hore ee gobolka Sool ee Puntland Bilidhig  Cabdi Geelle ayaa Caawa Fiidkii   xabsiga loo taxaabay, Wuxuuna kamid ahaa  dhalinyaro maanta la hadlay warbaahinta kuwaasi oo kasoo horjeestay xadhiga xildhibaan dhakool iyo xuska 18da may.

Warar qaar ayaa sheegaya in Gudaha magaalada Laascaanood  laga Raadinayo  Dhalinyaro kale , kuwaasi oo taageero u muujiyey Hadalka Xildhibaan Dhakool.