Laascaanod ( HM) Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa siwayn uga soo horjeestay Xadhiga Hargeisa loogu gaystay Xildhibaan Dhakool, Waxayana sidoo kale kasoo Horjeesteen 18-May oo ay sheegeen inaan laga xusi doonin laascaanood, Islamarkaana aan Somaliland loo dhamayn.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Gudoomiyihii hore ee gobolka Sool ee Puntland Bilidhig Cabdi Geelle ayaa Caawa Fiidkii xabsiga loo taxaabay, Wuxuuna kamid ahaa dhalinyaro maanta la hadlay warbaahinta kuwaasi oo kasoo horjeestay xadhiga xildhibaan dhakool iyo xuska 18da may.
Warar qaar ayaa sheegaya in Gudaha magaalada Laascaanood laga Raadinayo Dhalinyaro kale , kuwaasi oo taageero u muujiyey Hadalka Xildhibaan Dhakool.