Laascaanood (HM)-Maamulka Somaliland ayaa jawaab caro leh ka bixiyey hadal shalay ka soo yeeray DF oo sheegayey ineysan aqoonsaneyn kiisaska cudurka COVID-19 ee laga helay Somaliland.
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay shalay inaysan aqoonsaneyn labo Kiis oo Somaliland ay sheegtay in laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco, isagoo sabab uga dhigay inaysan ku kalsooneyn awooda Somaliland u leedahay xaqiijinta Coronavirus.
Waxaa hadalkaas si cadho leh uga jawaabtay Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada maamulka Somaliland Hinda Xersi Gaani oo sheegtay in Madaxda dowladda federaalka aysan dhab ka aheyn Soomaalinimada, maadaama ay iska indho tireen xaaladda cakiran ee reer Somaliland wajahayaan.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Hay’adda caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa labo cisho ka dib ku dartay liiska cudurka Coronavirus, iyadoo labada kiis ee Somaliland la raaciyey Soomaaliya, maadama aan loo aqoonsaneyn dal madax-banaan.