WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo sheegtay inay keentay qalab lagu baadho halista ka dhalata anteenada shirkadaha isgaadhsiinta-Video

By Abdi rashid

August 31, 2020

Laascaanood (HM)-Wasaarada Isgaarsiinta Maamulka Somaliland ayaa maanta shaacisay inay bilaabayso baarista halista caafimaad ee ay keeni karaan anteenada ama taawarrada shirkadaha isgaarsiinta.

Maamulka Somaliland ayaa soo iibsatay qalab lagu ogaanayo awoodda hirrarka ay taawarradu gudbinayaan.

Wasiirka isgaarsiinta Somaliland Cabdiwali Cabdillaahi Suufi ayaa sheegay in qalabkan loogu talogalay inuu maamulo hirarka isgaarsiinta, in lagula socdo shucaaca ka soo baxa taawarrada iyo goobaha isgaarsiinta, iyo in lagu hormariyo cilmi baarista teknolojiyadda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hore ayaa waxa uga jirey Maamulka Somaliland cabasho iyo cabsi laga qabo saamaynta caafimaad darro ee ka dhalan karta hirarkaas oo dad badani ka hadlaan qaarkoodna ay qoraallo ka sameeyeen.

Wasiirka Isgaarsiinta Somaliland ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkaddii lagu helo in ay taawarradeedu sababaan xaalad caafimaad darro.

Horufadhi News