WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo jawaab ka bixisay dalabkii Puntland-Video

By Abdi rashid

March 18, 2019

Laascaanod ( HM ) Puntland ayaa dhowaan Codsatay in laga Qayb geliyo Wadahadalka u dhexeeya DF-Somalia iyo Somaliland, Iyadoo Mudooyinkii dambe ay socotay Waan-waan la doonayo in dib loogu Bilaabo Wadahadalka,  Waxaana Arintaa siwayn uga Biyo diiday Somaliland.

Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo kamid ah xildhibaanada Golaha wakiilada ee Somaliland ayaa si adag uga jawaabay dalabka kasoo baxay Maamulka Puntland, Wuxuuna sheegay inaysan Qusaynin Arintaasi Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Farmaajo aan la shirno ama cid kale aan la shirno Puntland waa gobol kamid ah Soomaaliya, waxay nagu soo darsan karto majirto, anaga Somaliland baa nala yidhaahdaa, waxaas haddey joojin weydo Puntland baa ka shaleyn doonta, Garoowe baad ka qixi doontan ban leeyahay hadaad fara-gelinta aad nagu haysaan hadaad joojin weydaan, wlhi baad Garoowe ka qixi doontan” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

Muddooyinkii udambeeyay waxa isasoo taraya hadalo kulul oo masuuliyiinta labada Maamul ay hawada isku marinayaan iyaga oo xiisad dagaalna kaga dhex aloosantahay deegaano katirsan Gobolka Sanaag.