WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo ka hadashay tallaabadii ay Dowladda Soomaaliya ka qaaday Diyaarad Hargeysa imaan lahayd-Video

By Abdi rashid

March 19, 2020

Hargeysa (HM) – Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay tallaabadii ay saaka Dowladda federaalku Soomaaliya dib ugu celisay diyaaradii Fly Dubai ee qorshaheedu ahaa inay ka dagto madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Somaliland ayaa sheegtay in arrintaasi ay la macno tahay in Villa Somalia ku iclaamisay dagaal ka dhan ah Xukuumadeeda, maadama ay soo faro-gashatay Hawadeeda, waa sida uu hadalka u dhigay Wakiilka Somaliland ee Qaramada Midoobay.

Maxamed Warsame Ducaale, oo Somaliland ay sheegto inuu yahay wakiilkeeda QM ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Dowladda federaalku ay ku wargelisay diyaarada Fly Dubai inaysan soo dagi karin madaarka Hargeysa.

Maxamed Ducaale ayaa talaabadaasi ku micneeyay mid ay Villa Somalia ay ka leedahay beegsi cad oo loo jeedo.

Sidoo kale waxa uu danjiruhu xusay inay waajib tahay in laga jawaabo wax uu ugu yeedhay siyaasada argagixisinimo iyo mida dhaqaale ee aan qorsheyneyn ee ay wado Villa Somalia.

“Villa Somalia waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland. Shirkada duullimaadyada ee Fly Dubai ayey ku wargelisay inaysan soo degin madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa” ayuu yidhi Maxamed Warsame oo sheegta Xilkaas kor ku xusan.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waa in laga jawaaba Argagixisanimadda siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee aan qorsheysnayn ee ay wado Villa Somalia”.

Hadalka ninkaan u hadlay Maamulka Soomaaliland ayaa imanaya kadib markii saaka laga celiyay Hawada Somaliland diyaarada Fly Dubai oo siday rakaab ku wajahna magaalada Hargeysa, isla markaana rabtay inay ka dagto garoonka Cigaal.

Dowladda federaalka ayaa gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka, midaasi oo dhalisay in dib loo celiyo diyaaradaasi saaka rabtay inay ka soo dagto madaarka Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya.