WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo ka hadashay Jabhadda Suldaan Wabar ee Saaka weerartay Saldhiga Boorame-Video

By Abdi rashid

October 28, 2019

Boorama (HM) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in Jabhad ka tirsan kuwa ka jira gudaha gobolkaasi ay weerar ku soo qaadeen saldhiga dhexe ee Boorama.

Weerarkan oo bar-tilmaameedkiisu ahaa saldhigaasi dhexe ayaa waxa soo qaaday ciidamo ka tirsan Jabhada Suldaan Wabar, iyagoona rasaas xoogan ooda kaga qaaday ilaaladii iyoo ciidankii ku sugnaa saldhigaasi, midaasi oo si weyn looga maqlay gudaha magaalada.

HALKAN KA DAAWO 

Ciidamadaasi weerarka ku soo qaaday saldhiga dhexe ee Boorama ayaa waxay rabeen in ay saldhiga kala baxaan ragg u xirnaa murano dhul sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay.

Weerarkan oo ahaa mid ay Jabhada Suldaan Wabar soo qorsheysa, ayaa haddana waxa la soo warinayaa inay gacan ka helaysay Jabhad kale oo iyadu muddooyinkii u dambeeyay ka dilaacday deegaanka Dilla ee gobolka Awdal.

Ilaa iyo hadda si rasmiya looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo in uu fulay qorshihii ay ka damacsanaayen ciidamada Jabhadu weerarkooda, balse waxa la sheegaya in uu jiro dhaawac labada dhinac ah.

Taliska Booliska ee Soomaliland oo hadlay waxay sheegeen inuusan dhankooda khasaare jirin isla markaana ay iska caabiyeen Kooxda weerarka soo qaaday.