WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo Caawa Xabsiga dhigtay Xildhibaan Dhakool oo runta u sheegay SNM-Video

By Abdi rashid

May 09, 2019

Hargeisa  ( HM ) Ciidamada booliska ee Somaliland ayaa caawa xabsiga magaalada Hargeisa  u taxaabey xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaanka ayaa shalay warbaahinta ka sheegay in maalinta 18-May ay tahay maalin u gaar ah beesha SNM.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhakool ayaa sheegay in 26-ka June ay ka Mudan tahay in la Xuso 18-May, Wuxuuna sheegay in 18-May ay gaar u tahay Beesha SNM, Wuxuuna sheegay inay ku Cabirayso dareen u gaar ah, Wuxuuna xusay in Beelaha kale ay u yaqaaniin Maalin madow, Sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaan Dhakool ayaa ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ee kasoo jeeda gobolka Sool