WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Milkiilaha Astaan TV ku xukuntay 5 Sano oo Xabsi ah-Video

By Abdi rashid

November 04, 2020

Hargeysa (HM)-Maxkamada magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa xabsi shan sano ah iyo ganaax lacageed ku xukuntay milkiilaha Tvga maxaliga ah ee Astaan Cabdimanaan Yuusuf.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdimanaan Yuusuf oo ah milkiilaha TV-ga Astaan kana soo jeeda gobolada koofurta Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Maxkamada ayaa amartay in gebi ahaanba albaabada la isugu dhifto TV-ga Astaan qeybtiisa ka howlgasha Somaliland.

Warar ayaa sheegaya in Xukunkan ay si weyn uga dambeeyaan ganacsato gacansaar dhow la leh Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Muuse Biixi, kuwaas oo Astaan TV la galay loolan dhanka Suuqa ah markii uu kaga guulaystayna ay awood u adeegsadeen iyagoo ka maray dhanka Muuse Biixi oo la sheegayo inuu isaguna riixayo Wiil uu dhalay oo Magaalada doonaya inuu ka hirgaliyo TV maxali ah oo Astaan oo kale ah.

Horufadhi News