Hargaysa (HM)-Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro oo Warbaahinta kula hadlay Hargeisa, ayaa ugu baaqay Taageerayaasha Xisbiga Wadani inay maalinta Berri ah isugu yimaadan Xarunta xisbiga ee Hargaysa.
“Waxaa cadaatay inaan Muuse ku hadhin, Wax aan ahayn Muran iyo Garnaqsi aan dhamaad lahayn, Maanta talladu waxay u taalaa Waxgaradka umadda, Waana in la isugu yimaado Madal Qaran, Waxaan u sheegayaa Taagerayaasha Xisbiga Wadani in maalinta berry ah isugu yimaadaan Xarunta Xisbiga Wadani ee magaalada Hargeisa”. Ayuu yidhi Cirro.
Dhinaca kale Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ka Jawaabay Hadalo maalintii shalay kasoo yeedhay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, Kuwaasi oo sheegay inay Dumin karaan Somaliland, iyadoo Xisbiga Wadani iyo Taageerayaashiisaba lagu eedeeyay inay Xidhiidh la leeyihiin DF.Soomaaliya.
HALKAN KA DAAWO MUUQAAL.
“Waxaan ummadda u sheegayaa in Muuse iyo Gacanyareyaashiisu Arinta DF Soomaaliya u Adeegsadaan ku Cel Celinta Arinaasi kala Qaybinta Bulshada Somaliland, Iyadoo Muuse ay Shaqsi ahaan u dheer tahahy inuu u jeedo Beel gaar ah oo Reer Somaliland ah, Isagoo dadka kala Qaybinaya , Arintaasi oo Sun ku ah Qaranimada Somaliland”.
“Shalay Muuse Wuxuu ka qayb galay Carwo Caafimaad, Waxaa laga filayey inuu ka hadlay Arimaha Caafimaadka, iyo Xanuunadii dadka dilay, Hasayeeshee Waxaa muuqata inaan Muuse Xog-ogaal u ahayn Dastuurka iyo Xeerarka Somaliland”.
HALKAN KA DAAWO MUUQAAL.