WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Ciidamadii qabtay Xildhibaan Dhakool oo warbaahinta la hadlay-Video

By Abdi rashid

May 10, 2019

Hargeisa  (HM) Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa goor dhowayd ka hadlay Xadhiga magaalada Hargeisa Loogu Gaystay Xildhibaan Dhakool, Kadib markii uu sheegay in 18-May Reer gaar ah leeyahay, Bulshadana kalana ay u tahay maalin Madow.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Ciidamadu Boolisku waxay xidheen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo ka hor yimid Jiritaanka Somaliland, kuna kacay Falal kala Qaybin Bulshada iyo Kicinb ah, Kana hor yimid go’aanadii Shirkii Gooni isku taaga ee Burco “ Ayuu yidhi Sarkaal u hadlay ciidamada.

Xildhibaanka  la xidhay ayaa horay warbaahinta uga  sheegay in 26-ka June ay ka Mudan tahay in la Xuso 18-May, Wuxuuna sheegay in 18-May ay gaar u tahay Beesha SNM, oo ay ku  Cabirayso dareen u gaar ah, Wuxuuna xusay in Beelaha kale ay u yaqaaniin Maalin madow, Sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Dhakool ayaa ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ee kasoo jeeda gobolka Sool,  Waxaana sidoo kale jira Xildhibaano, Wasiiro iyo Siyaasiyiin ka tirsan Somaliland oo Shalay dhaliilo kala duwan Warbaahinta u mariyey.