Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Soomaalidii ugu badneyd oo ku xanibneyd Liibiya oo maanta Muqdisho laga soo dajiyey iyo Farxadda-Video

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Waxaa maanta kasoo degey Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xidhnaa dalka Liibiya,  Kuwaasi oo Dalwadda Soomaaliya dib ugu soo celisay dalkooda, Waxayna La Ooyeen Farxad markii ay kasoo degeen Dhulkooda Hooyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Gulleed (Khadar) ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey dad tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo laga soo qaaday dalka Liibiya, halkaasi oo ay muddo ku xannibnaayeen.  Waxayna dhibaatooyin kala kulmeen kooxaha dadka ka ganacsada ee loo yaqaan “Magafayaasha”.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Dawladdu ay dadaal badan ku bixinayso sidii ay u soo badbaadin lahayd muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka dibadiisa, isla markaasna horay dalka loogu soo celiyey maxaabiis laga soo qaaday dalal dhawr ah oo ay muddo sanooyin ah ku xirnaayeen

Exit mobile version