Ciidamada Booliska Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa xabsiga u taxaabay dhalinyaro ku dabaaldagay calanka Soomaaliya, kuwaasoo tiradoodu gaareysay qiyaastoo 70.
Dhalinyaradan oo iskugu jiray hablo iyo wiilal ayaa iska duubay Muuqaalo aad loogu faafiyey baraha bulshada, iyagoo u dabaaldagayey xuska 26 June, kuna lebisnaa calanka buluuga ah ee Somalia.
Waxay socod ku soo mareen qeybo ka mid ah magaalada Boorama iyagoo sameynaya dabaaldegyo la xiriira munaasabada 26-ka Juun.
Ciidamada Booliska Somaliland saldhiga Boorama oo arrintaas ka war helay ayaa soo gaaray goobta, kuwaasoo la sheegay iney gaari ku qaateen qaar ka mid ah dhalinyaradan, xabsigana u taxaabeen, Welina booliska wax war ah kama soo saarin dhacdadan.