Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi maanta waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda ee dalka Zambia, Mr Gavin Lubinda oo safar shaqo ku tegay Magaalada Hargeysa
Kulankaasi ayaa waxaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka Somaliland iyo Zambia, taariikhda ay labada dal wadaagaan oo kasoo bilaabantay xilligii gumaysiga.
Sidoo waxa kaloo kulanka lagaga wada hadlay xiriirka cusub oo dhexmari doona Somaliland iyo Zambia, kaasi oo salkana ku haya ganacsi iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshaan labada dhinac.