Hargeisa (HM) Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo labada gacmood silsiladi kaga xidhan tahay ayaa maanta la horgeeyay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeisa.
Guddoomiyaha Maxkabadda gobolka maroodi-jeex Cabdi Qawdhan, ayaa diiday in uu furo gal dacwadeedka Arrinta loo haysto xildhibaanka.
Guddoomiyaha ayaa ku dooday in aannu jirin sharci u ogolaanaya inuu Maxkabadeeyo xildhibaan aan golihiisu xasaanadda ka qaadin.
Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa dib ugu celiyay xildhibaanka xarunta CID-da oo uu ku xidhan yahay.
Xildhibaan Dhakool, oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa ka soo horjeestay xuska maalinta 18 May oo uu ku tilmaamay.