Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Somalia iyo Midawga Africa oo heshiis ka gaaray Ciidanka AMISOM

Ururka Midowga Afrika ee [AU] &  dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka heshiiyay mustaqbalka Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee [AMISOM] ee ku sugan Soomaaliya, wax ka yar afar bilood inta uusan dhammaan muddada loo qorsheeyay inay joogaan Soomaaliya.

Qaraar la ansixiyay bishii June, ayaa la isku raacay in ciidamada AMISOM ay sii joogaan Soomaaliya illaa December 2021, markaas kaddibna ay u ambabixi doonaan dalalkooda. Laakiin Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay tallaabadaas sababo la xiriira khatarta Al-Shabaab ee dalka.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen AU iyo DFS ayaa tilmaamaya in arrimo dhowr ah la xaliyay, tallaabadan ayaa sii dheereyn doonta joogitaanka ciidamada AMISOM  ee Soomaaliya ilaa xasilloonida laga xaqiijinayo. Ciidamada ayaa inta badan waxaa dhaqaalahooda bixiya Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Waxay ku heshiiyeen in la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Kala -guurka Soomaaliya, kaas oo qirshuhu yahay in ciidammada AMISOM ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed [SNA] in kasta oo si tartiib -tartiib ah loo dhaqan gelin doono.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version