WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Siyaasiga Cali Guray Muxuu ka yidhi Wasiiradda Muuse Biixi soo magacaabay?-Video

By Abdi rashid

December 20, 2017

Siyaasiga Cali Guray oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa, ayaa ugu horayn ka hadlay Wasiirada Cusub ee Muuse Biixi soo magacaabay, Wuxuuna si gaar ah uga hadlay waxa uu ka yaqaano Faratoon, Qambi, Koore iyo Maxamed Kaarin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Xaalada dekedda magaalada Berbera, Shacabka kacsan ee Halkaasi ku sugan iyo Sida Muuse Biixi laga doonayo inuu u Wajaho Xaaladaasi.

Ugu dambayntii wuxuu ka hadlay Mustaqbalka Somaliland iyo Sababta isaga Xilka loogu magacaabi waayey, Isagoona xusay inuu la shaqayn doono Muuse Biixi