WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Sidee Ra’iisul Wasaare Rooble loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo?

By xuseen waashitoon

December 18, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna Caasimadda KMG ah ee KGS

Garoonka diyaaradaha Shaati guduud ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gareen, Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan.

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha ee Baydhabo ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galkaMunaasabadda sanad guurada 3-aad ee markii la doortay Madaxweynaha dowlad Goboleedkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxweyne Lafta-gareen, iyagoo ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda deegaannada Maamulkaas iyo doorashada dalka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA