Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Siciid Deni muxuu ka yidhi Heshiiskii DP World la gashay Cabdiweli Gaas iyo Dilkii Madaxda Shirkadda-Video

Boosaaso  ( HM ) Siciid Cabdulaahi Deni Madaxwayneha Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiiskii Shirkadda P&O Port ee hoostagta Shirkadda DP World ay kula wareegtay  dekedda Magaalada Boosaaso.

Ugu horayn wuxuu ka hadlay  dilkii loo geystay Paul Farmosa oo ahaa maamulihii dekedda Boosaaso, Wuxuuna xusay  sheegay in dilkii Paul uu sumcad darro u keenay shacabka iyo  Puntland isagoona tusaale u soo qaatay mashaariic uu sheegay in wadamo iyo Hay’ado caalami ah ay qorsheynayeen in ay ka fuliyaan Puntland hase ahaate u baaqday falka khaarijinta ah ee lagula kacay maamulaha la dilay ee Paul awgii.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay in ka xukuumad ahaan ay ixtiraamayaan heshiisyadii ay horey u gashay dowladii tan ka horeysay ee uu hogaamin jiray  Cabdiwali Gaas uuna kamid ahaa heshiiskii shirkadda DP World ee Dekedda Boosaaso, Balse wuxuu sheegay in wadada u furan ay tahay in heshiis walba oo loo arko in ay wax ka dhiman yihiin ama wax siyaado ku yihiin laga hadlo isla markaana la saxo wixii khaladaad ah ee ku jira hase ahaatee uu sheegay in hadii loo baahdo laga bixi karo heshiiska.

“Marabno in aan ka hor dhacno heshiisyada la galay illaa aan la kulano cidii heshiisyada nala gashay aragno ciladaha uu leeyahay laakiin inta aan joognay waxaan qirayaa in ay jiraan gaabis dhinaceena ka yimi oo keenay caqabadaha maanta jira”

Waxaa xusid mudan in khudbadii madaxweyne Deni ay goob joog ahaayeen nabadoono ,waxgarad ,haween iyo siyaasiyiin siweyn u danaynayay ka hadalka arintan ee la xiriirta heshiiska Dekedda Boosaaso.

Exit mobile version