WARARKA SOOMAALI

Daawo: Shirweynihii u horeeyey jaaliyadaha Khaatumo oo Sweden ka furmaya+Kulan horudhac ah-VIDEO.

By Abdi rashid

May 15, 2015

Waxa dalka Sweden ku soo qulqulaya gudiyada jaaliyadaha Khaatumo ee dunida dacaladeed, waxana halkaas ka dhici doona shirweyne noqon doona sanadle oo Khaatumo gudiyadeeda iyo jaaliyadeehu kaga arinsan doonaan xaaladaha dalkii iyo sida ugu haboon ee wax loogu qaban karo gudaha.

HALAKAN KA DAAWO MUQAAL…

Waxa durbaba gaadhay gudoomiyayaal ay ka mid yihiin kan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka , kaasoo ka mid ah dadka sida weyn wax ugu qabtay maamulka Khaatumo iyo gudihiiba.