WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Shirkii Madaxda ee Afisyooni oo fashilmay iyo laba Madaxweyne oo…

By Xuseen Post

April 07, 2021

Shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maanta dib uga furmay Teendhada Afisyooni ayaa markii saddexaad kusoo dhamaaday natijo la’aan.

Madaxda ayaa Maanta dood adeg ka yeeshay Ajendayaasha shirka guud ee Madaxda ee maalmaha soo socda furmi doona, waxaana mar kale la isku mari waayay qodobadii doodda adag ka taagneyd ee ahaa in ajandaha Shirka soo socda lagu soo daro doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Shirkii Maanta dib ugu furmay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, kaasi oo fashil kusoo dhammaaday.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuurkar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu maamulada Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay in aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii Sep.

Halkaan ka Daawo muuqaalka Wasiir Dubbe.