WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Shirkii Madaxda DF iyo Mucaaradka oo War-murtiyeed laga soo saaray

By xuseen waashitoon

July 13, 2023

Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay Shirka u dhexeeyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxdii hore iyo iyo siyaasiinta dalka, shirka ayaa waxaa shalay furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka oo laba maalin ka socday Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen xaaladda dalka, amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.

Ma shaacin Villa Somalia tallooyinka ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka qeyb-gashay shirka la wadaageen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo ku qotoma lixda qodob ee kor ku xusan.

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray shirka, waxaana warbaahinta u Akhriyay Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo qabtay shir jaraa’id markii uu soo dhammaaday shirka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA