WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Shil geystay khasaaro oo ka dhacay degaan ka tirsan Somaliland

By xuseen waashitoon

December 18, 2021

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo habeenimadii xalay aheyd ka dhacay degaan lagu magacaabo oo ka tirsan Arabsiyo oo hoostega Dooxa Degmada ee Gobolka Gebiley ee Somaliland

Dad ayaa waxaa ay sheegeen in shilkaas dhacay uu ka dhashay, kadib markii mar qura wadada uu ka baxay gaari nooca raaxada ah oo ku socday xawaare sare, xili uu marayey wadada laamiga ah ee Arabsiyo ee Gobolka Gebileey.

Gaadhigaasi oo noociisu ahaa Dukhaan ayaa wax saarnaayeen 4 Qof , waxana ku dhaawacmay saddex qof, halka laba qof kalena ay ku geeriyooday Shilka, iyadoo dhaawacyada la geeyay Xarun Caafimaad.

Shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa horey sidaan oo kale waxaa ay marar badan uga dhaceen degaano iyo degmooyin ka tirsan Somaliland, waxaana inta badan shilalka loo sababeeyay darawalada oo gaadiidka xawaare ku wada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA