Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Sheekh Shariif “Waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka Madaxda Qaranka”-Video+Warbixin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa baaq ka soo saaray khilaafka ka dhex taagay Baarlamaanka iyo Xukuumadda, isagoo ka digay go’aan khaldan in laga qaato khilaafka taagan.

Qoraal la soo dhigay barta Facebook ee Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa loogu baaqay Madaxda dowladda inay gacmaha isku qabsadaan, sidii dalkan loo badbaadin lahaa, lagana fogaado khilaaf kasta oo horseedi kara in lagu burburiyo geeddi socodkii loogu jiray dowladnimada Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Sheekh Shariif.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan madaxda qaranka in gacmaha la isku qabsado sidii dalka loo badbaadin lahaa, lagana fogaado Khilaaf kasta oo horseedi kara in aan gacmaheenna ku burburinno geedi socodkii loogu jiray dowladnimada Soomaaliya, iyada oo maanka lagu hayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib loo yagleelo dowladnimada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, aniga oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas’uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka.

Haddii isfahan lagu xalin waayo khilaafka taagan waxaan aaminsanahay in lagu kala baxo dastuurka dalka ee noo qoran aduunkuna noo aqoonsan yahay, iyada oo la ilaalinayo xasiloonida iyo sharafta qaranimadeenna.

Exit mobile version