WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sheekh Shariif oo sheegay sababta uu Jowhar u tagay-Video

By Abdi rashid

November 01, 2020

Muqdisho (HM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta gaadhay Magaalada Jowhar ayaa sheegay sababta uu u tagay Magaaladaasi, wuxuu sheegay in socdaalkooda Jowhar uu salka ku hayo in xal waara laga gaadho tabashada ka jirta dhismaha Hirshabeella ka hor inta aan doorasho la aadin.”Ujeedada socdaalkeena waa howl aan muddo soo wadnay oo ku saabsaneyd Dad xoogaa tabasho ka qabay Arrimaha Doorashooyinka Hirshabeelle  oo aan wadahadal la waday oo meel fiican aan soo gaarsiinay  in aan idinla wadaagno si arintaa nabad loogu soo dhameeyo oo heshiis looga gaaro” ayuu yidhi Shariif Sheekh Axmed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO