Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Sheekh Shariif oo ka shakisan Ciidamo uu sheegay in Habeenkii laga qoro Muqdisho.

Muqdisho (HM)-Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay qatar weyn ka soo socoto dhismaha Ciidamada qalabka sida, isagoo xusay in Nabadsugida ay bilowday inay ciidamo qorato.

Isagoo ka hadlayay Munaasabadda lagu daah furayay Madasha Xisbiyada qaran ayuu sheegay in aysan aqbaleyn in Ciidamo gaar ah loo sameysto in dad gaar ah lagu dhibaateeyo.

HALKAN KA DAAWO

“Khatar weyn ayaa ka soo socota dhismaha ciidamada qalabka sida, ciidan habeen la qoraayo oo nabadsugida qoreyso oo labo dowladood kaliya loo dirayo aniga ma fahmin, ciidanka nabadsugida qoreyso, oo laga qarinayo taliyeyaasha ciidankaas ma waxaa loo sameynayaa inay amniga sugana, mise inay qabtaan howlo kuwo ka horeeyay ku fashilmeen, ciidan gaar ah oo loo sameysanayo in dad lagu dhibaateeyo annaga ma aqbaleyno”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Inkastoo aanu Sheekh Shariif carabaabin dalalkaas, hadana waxaa horay u jirtay warar la isla dhex marayay oo sheegayay inay jiraan Ciidamo tababaro loogu qaaday dalalka Eritrea iyo Qatar, oo aan horay uga mid aheyn dalalkii Ciidamada loogu soo tababaray Soomaaliya sanadihii u dambeeyay.

Exit mobile version