WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Sheekh Shaakir oo shaaciyay sababta ay uga baxeen Magaalada Guriceel

By xuseen waashitoon

October 28, 2021

Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa marka hore u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay degmada Guriceel ee khasaaraha dhimasho, midka dhaawac iyo burburka hantiyadeed geystay.

Qoraal dheer oo uu soo saaray Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa uu ku sheegay in uu aad uga xun yahay in magaalada Guriceel hub iyo ciidan Muqdisho laga keenay lagu dunshay goobahii caafimaadka, ganacsiga iyo meelahii bulshada muhiimka u ahaa, ayna tahay nasiibdarro Somalia usoo hoyatay in Saanadii qaranka lagu gubay guryahii ummada , lagu qaxiyay shacbigii magaalada Guriceel kusoo dhaweeyay si nabad ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guriceel ay uga baxeen Codsi uga yimid Culimada, Ganacsatada , bulshada rayidka senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah , ayna ka codsadeen inay wareejiyaan labadii gaari ee lagu qabsaday dagaalkii ka dhacay degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud, isla markaana Gaadiidkaas ay wareejiyeen.

Qoraalka Sheekh Shaakir oo aad u dheer ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ay ku balameen inay degaan deegaanka Bohol oo markii horeba ahaa deegaankii lagu weeraray, sidoo kalena wax walba oo jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo xal nabad ah, ayna aqbaleen dhamaan codsiyadii uga imaanayay beesha Caalamka iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa muddo saddex maalmood ah socday dagaal culus oo dhaliyey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna oo waaberigii hore ee shalay isaga baxay Magaalada , ayna la wareegeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA.