Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa ku dhimatay daadad ka dhashay roobabkii ka da’ay deegaanno ka tirsan gobollada,Mudug,Nugaal iyo Bari,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta deegaannada.
Dadka ku dhintay daadka ka dhashay roobabka waxaa dhammaantod lugu sheegay inay ahaayeen carruur,waxaana ka mid ah labo carruur ah oo ku dhintey deegaan 120 -km u jira degmada Qandala, kana tirsan gobolka Bari, kuwaasi oo jira da’da 8-sano iyo 6-sano,sida ay baahisay warbaahinta gudaha.
Waxaa kalo laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland in degmooyinka Xarfo iyo Burtinle oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal ay saddex carruur ah ku dileen roobabka daadadka wata ee halkaasi ka da’ay.
Halkan riix video
Roobabka waxaa kalo ay sabab u noqdeen inuu istaago isku socodka gaadiidka ee gobollada koonfurta iyo waqooyiga ,waxaana gaadiid badan ay ku xanibanyihiin togga Dur-dur oo magaalada Boosaaso u jira 80 km, halkaasi oo ay fariisteen biyaha roobka oo aad u fara badan.