Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Shacabka Muqdisho oo ku baaqay in Tallaabo adag laga qaado Kenya-Video

Muqdisho (HM )-Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeey labada dal ee dhinaca xuduuda badda, taasoo soo jiitameysay muddo 10 sano ah.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, ayaa si adag uga hadlay Go’aanka ay Qaadatay Kenya, Iyagoo sheegay inay Xor u tahay Khayraadkeeda sida ay ka yeelayso.

“Tallaabada Kenya Qaaday waa Edeb-darro ay ku Jirto Quudhsi,  Waxaana Dawladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka Qaadato Go’aan ku Habboon, Waana in la Difaaco Karaamada Qaranka.”

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dadka odorasa siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in qeylada ka soo yeertay Kenya uu xooggiisa ku wajahan yahay arrinta muranka Badda oo ay dooneyso inay Soomaaliya ku cadaadiso in wada hadal hoose lagu xaliyo, maadaama looga gacan sareeyo dacwada taal Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Exit mobile version