Boorama ( HM ) Waxaa loo Ogolaaday inay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal inay Shir iyo Dood ku Qabtaan Siyaasiyiinta Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo Horay goobo kala duwan ugu soo Qabtay dood ay kaga hadleen Xaalada Somaliland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxaa la sheegay in Hadii alle idmo Afarta Bisha Shanaad [MAY] ee soo socota, ay Dooda ku Qaban doonaan magaalada Boorama, waxaana ka Warbixiyey Dooda iyo Muhiimadda ay leedahay Qaar kamid ah Dadka Qaban Qaabinaya, kuwaasi oo sidoo kale Xaqiijiyey inay doodu ka Qabsoomi doonto Booorame.
Arintan ayaa ka ka dhigan in la Xaliyey Murankii ka taagnaa Dooda Boorama iyadoo horay loo sheegay in laga Hor istaagay inay ku Qabtaan.