Muqdisho (Horufadhi News)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay toogasho ku dileen Lix ruux oo ganacsatado ah.
Maleeshiyada ayaa dilka kadib gubay 11 gaadiid xamuul ah oo ka anbabaxay magalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Gaadiidkan ayaa la gubay xili ay marayeen inta u dhaxeysa Xudur iyo deegaanka Qurac Joome, iyadoo maleeshiyadu ay ku qabsatay weerar la sheegay inuu ahaa dhabagal.
Mid kamid ah Ganacsatada ayaa xaqiijiyay in 2 kamid ah gadiidka waddada loo galay ay dib ugu soo laabteen magaalada Beledweyne, iyadoo sidoo kale dab la qabadsiiyay 11 kale oo ay wada socdeen kuwa ay dabka qabadsiiyeen al-Shabaabka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Lixda ruux ee la dilay marka laga soo tago dadkii kala ee la socday gadiidkan xamuulka ah ayaa la sheegay inay u firxadeen dhulka howdka ah ee ka agdhaw halka uu weerarku ka dhacay.
Sidoo kale, Gaadiidka la gubay oo noocooda ahaa kuwa xamuulka ee waaweyn ayaa waday allaabo u rarnaa qaar kamid ah Ganacsatada Xudur.
Dhinaca kale, Saraakiisha amaanka maamulka Hiiraan ayaa sheegay in la baadi-goobayo ragga ku firxaday Howdka ee la socday gaadiidka.