Wafdi ka socda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo kulamo kula qaateen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxay Booqasho ku tageen Dekedda magaalada Kismaayo iyo Deegaanka Goobwayn oo ah Halka ay isaga Darsamaan Biyaha Webiga iyo Badda .
Waxaa la socday Olgan Beker ganacsato Turki ah oo doonaya inay maalgashi ku sameystaan deegaanka Goobweyn.
Dowladda Turkiga ayaa maalmaha soo aaddan waxay mashaariic horumarineed ka sameyn doontaa magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo Jubbaland ka tirsan.